Thursday, January 13, 2011

Diyaarad Hub Iyo Saanad Milatari U Siday Puntland Oo Soo Fadhiisatay Garoonka Hol-Hol Ee Koonfurta Sool

Diyaarada la sheegay inay leedahay shirkada Sarecan oo iyadu tababaraysa ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo sida hub iyo saanad milatari ayaa la sheegay inay soo fadhiisatay garoonka diyaaradaha Hol-hol oo ku yaala koonfurta Sool.


Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan deegaankaasi in markii shalay subax ay soo fadhiisatay diyaaaraadasi garoonka diyaaradaha ee Hol-hol ay damacsanayd inay Rasaas iyo Qoryo fudfudud ay u dajiso tirsan Puntland oo ilaalinayey goobo ay doonayeen inay shidaal ka qodo shirkad Maraykanka ah oo la sheegay inay ku hawlanayd mudooyinkanba.

Diyaaradan ayaa la sheegay in nooceedu uu yahay diyaaradii Hargeysa dhawaan lagu qabtay ee saanada milatari u siday Puntland ee la xukumay laguna sii daayey ganaax.

Puntland iyo shirkadii maraykanka ahayd sideetamaadkii baadhitaanada ka samaysay deegaanka Hol-hol ayaa la sheegay inay doonayaan inay baadhitaan ku sameeyaan ceelka shidaalka ee Hol-hol, isla markaana hubkaa diyaaradu wadayna ay damacsan yihiin inay isku difaacaan marka ay hawlaha baadhita shidaalka bilaabaan.

SuyrceRiinji





0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News