Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, January 12, 2011

Deg Deg: Nin Sirdoon Ajnabi Ah Oo Lagu Dilay Koonfurta Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya ilo xog ogaal ah oo ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa RBC Radio u sheegay in goor dhoweyd la dilay nin ajnabi ah oo la sheegay in uu Gaalkacyo u joogay arimo la xiriira sirdoonimo.



Ninkani la dilay ayaa looga gaabsadey in uu yahay ajnabi hase ahaatee lama cadeyn cida uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaase jira warar sheegaya in Sarkaalkani uu u dhashay dalka Zimbabwe.

Sarkaalkani la dilay waxaa uu ka tirsanaa saraakiil ajnabi ah oo uu hoggaamiyo Mr, Edwin oo ah nin Yuhuudi ah oo koonfurta Gaalkacyo ku leh xarun basaas.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Sarkaalkani ay dileen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa Saraakiisha ajnabiga ah iyadoo aan la ogeyn sababta dilka ka dambeysa.

RBC Radio.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News