Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, December 13, 2010

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo maanta si qasab ah ula wareegay gacan ku heeynta dekadda Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xoogsata Dekadda oo aanu xirir la sameeynay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo wata dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah ee uu hor boodayey Xildhibaan Furux xoog ay ku soo galeen Gudaha Dekkada , waxaan uuna Xildhibaanka amar ku bixiyey in Dekadad ay xiran tahay islamarkaana soo kala eryey Shaqalaha qaar iyo xoogsatada Dekdda.



Xildhibaan Furux oo goor dhow warbaahinta hadal kooban siiyey ayaa xaqiijiyey in uu is hortaagay howlaha Dekada magaalada Muqdisho , waxa uuna sheegay in sababta uu xiray ay tahay Musuq masuuq u sheegay in Dekada lagu hayo .

” Dekadda aniga ayey ii xirantahay waa sax, sidaan ayeyna u xirnaaneeysa ilaa masuq maasuqa meel laga saaro, mana la furayo dekadda ilaa laga cadeeyo dhaqaalaha dekadda halka uu kabaxo” ayuu yiri Xildhibaan Furux.

Warar qaar ayaa sheegay in talaabadani uu qaatay xildhibaan Maxamed Jaamac Furux ay ka dambeeysay ka dib markii maamulka Dekada magaalada Muqdusho uu diiday in uu siiyo Xildhibaanka lacago horay loogu qoondeeyey.

Sikastaba talaabadaani ayaa meel ka dhac u ah Baarlmaanka iyo Dowladda KMG mar hadii xildhibaan ka tirsan Baarlmaanka uu awood u heli karo in uu hor istaago howlaha dekadda weyn ee magaalada Muqdish, waxaan arinkaan dad badan ay soo xusuusisay xiligii Muqdisho ay heysteen hogaamiye Kooxeedyadii, halka ay dad farabdan oo kale ay wadnaha farta uga hayaan in ay xildhibaaanada inta kale ay qabsadaan goobo kale sida Airportka, amaba ay isbaarooyin dhigtaan gudaha magaalada Muqdisho.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News