Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, December 14, 2010

Xildhibaan ka mid ah Baarlmaanka Soomaaliya oo Madxaweyne Shariif ku eedeeyey Qabiileeysi

Xil. Furux
Xildhibaan ka mid ah Xildhibanada Baarlamaanka KMGH ayaa waxa uu la hadlay Saxafada asigoo si toos ah u weeraray Sheikh Shariiif kuna eedeeyay in uu yahay Madaxweyne Qabiil .



Maxamed Jaamac Furux oo ah Mudane horayna u ahaan jiray qab qabli dagaal ayaa waxa uu Sheikh Shariiif ku eedeeyay in uu qabiilkisa u dhiibtay isha dhaqaale ee dalka Somaliya .

Xildhibaankani ayaa waxa uu shalay weerar ku qaaday Dekada Muqdisho asigoo ku tuhmaya Dekada in laga eryay beesha uu ka soo jeeda Mr Furax oo horay dakadda u haysan jireen .

“dhaqalaha Dekada tan Garoobka Diyarada tan Madaxtooyada dhamaan waxa uu Malaxweynaha u gacan galiyay beeshiisa Abgaal taasina anaka uma adkeesan karno oo waan diidnay ”

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay AMISOM raali katahay beesha Abgaal oo ku tumatay dhaqaalihii Muqdisho ,waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay in ay AMISOM kor ka ilaaliso sarkaal kasto oo oo ka soo jeeda beesha Abgaal .

“Beesheena way awoodaa in ay si xoog ah ula wareegto Dekada laakiin waxaan hada u degay Malaxweynaha waa in uu dhaqalaha dalka u qeybiyaa beelaha dega Muqdisha ” Furux.

Ugu danbeyntii waxa uu degniin kulul u diray ciidamda AMISOM asigoo u sheegay in ay ka hor leexdaan Dekada iyo Garoonka Diyaradaha hadi uu Malaxweynaha wax kabadali waayo dadka madaxda ka ah Dekada iyo Garoonka .

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News