Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 30, 2010

Warar Sir ah oo Daboolka ka Qaaday Dalka Maalgalinaya Shirkadda Saracen ee Tababarrada Siinaysa Ciidammada Puntland

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo qarsoodi ah oo ku dhow xafiisyada madaxda sare ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa ah in dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu yahay waddanka kan bixinaya ilaa $10 million dollar oo loogu talogalay in la siiyo
shirkadda Saracen International tababarro ku siiso ciidammada DKMG, iyadoo laga ilaalinayo masuuliyiinta sare ee dowladda Shekh Shiriif.


Ilo-wareedkan ayaa ka codsaday Radio RBC in aan magaciisa sheegin, isla markaana laga fogaado wax kastoo tilmaantiisa ku saabsan, maadaama warkani yahay mid xasaasi ah oo laga heley xafiisyada sare ee dawladda Soomaaliya, taasoo Radio RBC ka aqbashay.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in shirkadda Saracen International oo uu si gaar ah u leeyahay nin la dhashay madaxweynaha Uganda Mr. Yuweri Museveni ay xafiis kale ku leedahay dalka Lubnaan, halkaas oo ay qaar ka mid ah hawlaheeda ku fulin doonto.

Dalka bixinaya lacagta ku baxaysa hawsha shirkaddan ayaa hore loo qariyey, waxana marar badan oo la weydiiyey masuuliyiinteedu ka gaabsadeen inay caddeeyaan waddankaas oo ay sheegeen inuu yahay dal muslim ah, laakiin waxay diideen inay xog kale ka bixiyaan.

Waxa dhinaca kale dood badan ka taagan tahay qaabka heshiiska uu u dhexmaray dowladda iyo shirkadda, iyadoo xukuumadda cusub ee Ra’iisal-wasaare Farmaajo dusha u saartay xukuumaddii hore ee Cumar Cabdirashiid.

Haseyeeshee, Cumar Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Dubai haatan ayaa beeniyey in uu wax ka ogaa heshiiskan, wuxuuna dib ugu riixay xukuumadda cusub iyo waasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo isagu ah masuulka saxeexay heshiiskan qarsoodiga ah.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Farmaajo Mr. Cabdikariin Axmed oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho toddobaadkan, ayaa sheegay in heshiiska lala galay Saracen uu dhigayo in ammaanka masuuliyiinta dawladda la ilaaliyo, dhismaha goobaha muhimka sida dhakhaatiirta iyo arrimo kale.

Waxa kaloo wasiirku sheegay in Saracen International heshiiskeeda ka horreeyey xukuumadda Farmaanjo, balse markii ay baadheen ogaadeen inuu jiro, lana qariyey markii hore.

Dhinaca kale, warar soo baxay ayaa sheegaya in shirkaddu sidoo kale ciidamo u tababarayso maamulka Puntland, arrintaas oo keentay in diyaarad qalab millitari u sidday shirkaddaas lagu qabto Madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo ilaa hadda lagu hayo iyada iyo lix nin oo u dhashay dalka Ruushka oo diyaaraddaas watay.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka taagan arrinta hawsha shirkaddan ayaa si weyn uga dhex taagan barlamanka iyo maamulka Sheekh Shariif xilli aanay ilaa hadda xukuumaddaasi wax faahfaahin ah ka bixin qorshaha dhabta ah ee heshiiskan.



Source: RBC Radio



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News