Thursday, December 9, 2010

Sir uu Qarxiyey Nin ka Tirsan Xisbiga Shekh Shiriif Shekh Ahmed

Og: Urur Goboleedka IGAD
Og: Midowga AFrican
Og: Jaamacada Carabta
Og: Wakiilka Qaramada Midoobay Arimaha Soomaalia Dr.Augustine Mahiga
Og: Midawga Yurub Mr. Georges Marc


Anigo Magacayga la yiraahdo Dahair Xasan
Gure kana Tirsan
Ciidamada Qalbka Sida ee madaxtooyada waxaan
shacabka soomaaliya iyo ciid kasta oo arrimaha soomaaliya danaynaysa u
cadaynayaa una soo bandhigayaa Sirtaan Culus
laga soo bilaabo 2009 Ilaa 2010 Hubka iyo Ciidanka Galay Gacanta
Al-shabaab iyo ciida masuulkeeda is ka leh.
Waxaa jira Hub aad u tiro badan iyo Ciidan lagu soo tabaray
Dalka ugandha iyo Ethiopia in ay gabi ahaan ku
biireen Xoogaga Mucaaradka sida Al-shabaab iyo Xisbul Islaam Markii
lagu dhiirigaliyey in ay la saftaan kooxaha ka
soo horjeeda DKMG Soomaaliya Amarkaasna waxaa bixiyey Madaxda Sare
Qaarkeed Waxaana ka mid ah ragaas.
1.Madaxweyne Shariif oo asagu isu arka in uu yahay Xubin ka Tirsan Al-shabaab.
2-Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Cabdulqadir Cali Cumar ahna Masul
sare oo ka tirsan Al- shabaab.
3-Taliyaha Nabada Sugida Qaranka Gen.Maxamed Sheikh Aden oo asgu
bixiya wixii Sir ah si toos ahna ugu xiran.
4.Taliyaha Dulaalka ka ah Hubka iyo Tutaha Waa Sargaalka sheegta in uu
yahay Amaandulaha Ciidanka oo lagu macaabo
Cabdikarin Yusuf Aden (Dhago Badan asagu ah DULAALKA WEYN oo
labada dhan u kala dabqaada ah.
5.Cabdikarin Jaamac Agaasimhii hore ee Madaxtooyada hadana Wasiirka
laga dhigay wuxuu qaabilsan yahay wixii kharash
ah oo lagu bixiinayo ciidanka Al-shabaab ku biiraya iyo wacyo
galinta in la taageero shabaabka halkaana baadil aanu ku joogno
iyo rag kale oo faro badan oo leh Xildhibaano Taliyayaal Ciidan
waxaana maanta cadaynayaa Dawlada 85% in ay la
shaqaynayaa kooxaha mucaaradka ah markaan arintaas arkayna anigu
waxaan hada laga bilaabo ku biiray mucaardka
maxaa yeelay kuwaani dawlad marabaan hadaan meel ku dhimanayana
waxaan ku dhimanayaa dhanka mucaaradka.
2009 Ilaa 2010 Hubka iyo Tuutaha
Gacanta Al-shabaab galay iyo Tirada Ciidanak Hoos ka daaloco.
Hubka Lidka diyaaradaha oo loo yaqaan 37 waxaa gacanta Shabaab
lagaliyey=45 qoriga loo yaqaan 37.
Qoriga asna ah Lidka diyaaradaha oo Afarta dhuumood leh=23 Xabo.
Qoriga BKM ka ah 450 qori.
Qoriga Ake 47 15,000 kun oo qori.
Tutaha Ciidnka 25,000 Kun oo Tuute ah.
Waxaa intaas ka daran Rasaasta oo aan tiirsi lahayn oo haben iyo
maalin loo daldalayo waxaa kale oo jirta baaburta dagaalka
oo qoryuhu saran yihiin,waliba kwii Dowladii hore loogala wareegay waxaana laga Iibiyey kooxaha dowlada
kasoo horjeeda,Tiradoodana waxay
garayeen markii ugu danbaysay 45 Tikniko ah,Ciidanka galay
dhanka shabaabka iyo Xisbiga Sh.Xasan waxay Tiradoodu dhan tahay 3,000
kun oo askari waana Ciidamadii loo soo Tababaray
dawladda amarka ay ku galayaan iyo dhiirigalinta waxaa iska leh
musuliyiinta aan kor ku soo xusay. Sirtaan waxaa igi kalifay inaan bixiyey oo u bareero khatarta igasoo gaari
karta kadib markaan
arkay in ay assan haba yaraatee kooxda shgeeneynsa masuuliyiin Soomaaliyeed iwaayad meesha u joogan
iyo iney soo fogeeyaan Rajadii ana qabnay ee aheyd in mar la arki doono Qarinamada Soomaaliya oo soo
noqtay.
Aniguna Saakay ayaan gostay inaan isaga tago meesha,
waxaana u talaabay dhanka mucaaradka malmaha soo
socdana hadii alle idmo waxaan u boqoolayaa Gobolka Hiiraan oo aan horay kaga soo biiray
dawlada FKMG ee Soomaaliya.
Waad mahadsan tihiin ina soo duceeya in Illahay inabad yeelo,koleey wala’igu raad
jireeye.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News