Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 23, 2010

Shirkadaha Shidaalka Maraykanka iyo Shiinaha oo Loollan Xooggan Ugu Jira Cidda Hantiyeysa Ceelal Shidaal oo Somaliya ku Yaal

Shirkada shidaalka soo saara ee dalalka Maraykanka iyo Shiinaha, ayaa la sheegay inay loolan xooggan ugu jiraan sidii ay u hantiyi lahaayeen ceelasha shidaalka iyo gaasta ah ee Somaliland, iyada oo la filayo in Madaxweyne Siilaanyo horaanta sannadka cusub ee 2011 booqasho ku tago dalka Shiinaha. 

Sida xalay lagu faafiyey shabakada aarimaha Afrika ka faaloota ee African Energy Intelligence, shirkada shidaalka Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo CNOOC (China National Affshore Oil Corp.), ayaa ku hawlan sidii ay ugu guulaysan lahayd ogolaansha inay iyadu si toos ah u maamusho ceelasha shidaalka iyo gaasta Somaliland, iyada oo dhinaca kalena ay shirkada shidaalka Maraykanka ee CONOCO ay iyaduna dhinaceeda ku doodayso inay dawladdii Siyaad Barre ka haysato ogolaanshaha ceelasha shidaalka ku yaal bariga Somaliland. 

Heshiis ay sannadkii 2006 Shirkada shidaalka Shiinuhu hore ula gashay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa fashilmay, kadib markii dawladda Somaliland oo ceelasha shidaalku dhulkeeda ku yaal arrintaa ku gacan saydhay, taasina waxay sababtay in shirkada Shiinaha ee CNOOC ay horaantii sannadkan 2010 dib u istaadho damaceeda ku waajahan dhulka shidaalka iyo gaasto ku jiraan ee Somaliland, iyaga oo xidhiidh toos ah la sameeyey maamulka Somaliland, balse waxa la rumaysan yahay in haddii shirkadda shidaalka Shiinuhu ku guulaysto ogaanshaha ceelasha shidaalka in taasi muran badan ka dhex dhalin doonto shirkadaha Maraykanka oo ilaa sannadkii 1980 ku hawlnahaa ceelasha shidaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ilaa hadda aaminsan inay iyaga oo qudhi ogaalsho u haystaan arrintaa, isla markaana awood ka xoog roon darteed uga xammaan urursadeen Soomaaliya. 

Dawladda Somaliland, ayaa la sheegay in ilaa hadda aanay macluumaad sax ah oo dhinaca khayraadka dhulka ah haynin, iyada oo aan wax shidaal qodis ah dhulkaasi laga samayn 1980 ilaa 2000, balse shirkad yar oo Ingiriis ah oo la yidhaahdo Fugro-Robertson, ayaa loo diidanayaa inay wax hawlgalo ah dhulkaasi ka samayso. 

Si looga baxo macluumaad la’aanta, isla markaana xog rasmi ah loo helo, waxa dawladda Somaliland heshiis la gashay shirkadda dhinaca sahaminta qaabilsan oo la yidhaahdo TGS-Nopec sannadkii 2009, taasi oo hawlo sahamineed ku sameeyey deegaano Somaliland ka tirsan. 

Safarka la filayo in madaxweyne Siilaanyo ku tago Shiinaha, waxa uu ka dambee
yey, kadib markii ay bishii April ee sannadkan 2010 booqasho ku yimaaddeen Somaliland wefti Shiine ah oo laba sarkaal oo ka mid ahi ka tirsanayaayeen shirkadda shidaalka Shiinaca ee CNOOC. 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News