Monday, December 13, 2010

R/wasaare Farmaajo iyo Madaxweyne Faroole oo kulmay

Faroole             Farmaanjo
Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ayaa inta uusan maanta ka anbabixin magaalada Jabuuti waxaa uu kulan kula qaatay dalkaasi Jabuuti Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole.

Barqanimadii maanta ayaa hoteelka Kamdhiski ee Magaalada Jabuuti waxaa kulan ku qaatay Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyagoo ka wadahadlay xariirka u dhaxeeya dowladda KMG iyo Maamul goboleedka Puntland.

Lama oga waxa rasmiga ah ee ay kawada hadleen,  laakiin waxay ilo u dhuundaloola kulanka labada mas'uul ay noo xaqiijiyeen inay ugu badnayd sida ay Puntland u taageeri lahayd xukuumadda Farmaanjo.

Dalkayaga@gmial.com





0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News