Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, December 7, 2010

Puntland oo ka warbixisay Howlgalo laga sameeyay Boosaaso.

Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta howlgalo dad farabadan lagu qab qabtay waxa ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo dhinaca kalana maamulka Puntland uu ka warbixiyay howlgaladaasi.


Howlgaladaani ay sameeyeen ciidamada maamul goboleedka Puntland oo ahaa kuwa dadka lagu kadiyay ayaa waxaa laga sameeyay xaafado kuyaala bariga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo ciidamadu ay ku soo qab qabteen dad farabadan.

Maamulka Gobolka Bari ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kor u dhaafayaan 25 ruux kuwaasi oo uu tilmaamay in laga soo qab qabtay lix xaafadood oo kuyaala Magaalada Boosaaso, waxaana uu Maamulku sheegay in baaritaano lagu sameyn doono dadkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland C/xafiid Cali Yuusuf oo la hadlayay Warbaahinta Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in howlgaladaani ay sii socon doonaan ilaa inta Puntland ay ka xaqiijineyso amaanka Xaafadaha Boosaaso.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay in dhalinyaradaani la baari doono cidii dami lagu waayana la sii deyn doono halka kuwa kalana Maxkamada lagu soo taagi doono Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News