Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 16, 2010

Puntland : Howlgaladii Boosaaso waxaa lagu qabtay dad Shabaab ah.

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in howlgaladii Maalmihii la soo dhaafay ciidamada Puntland ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ay ku qab qabteen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab
.

Wasiirka amniga Maamul goboleedka Puntland Janaraal Yuusuf Axmed Kheyr oo  isagoo ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada amaanka Puntland ay ka sameeyeen Boosaaso ay ku soo qab qabteen dad farabadan oo qaarkood wasiirku sheegay inay gacan saar la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Janaraal Yuusuf waxaa uu sheegay in baaritaano lagu hayo dad uu sheegay inay ku lug leeyihiin falalka amni daro ee ka jira Magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland, waxaana uu tilmaamay in hadii cadeymo lagu helo dadkaasi ay maxkamad soo taagi doonaan kadibna ay marsiin doonaan ciqaabta ay leeyihiin.

Hadalka wasaarada amniga ee Maamul goboleedka Puntland ayaa ku soo aadaya xili ciidamada amaanka Puntland magaalada Boosaaso ay ka wadeen howlgalo lagu qab qabtay boqolaal qof oo u badan dadka ka soo jeeda gobolada kale ee dalka kuwaasi oo lagu eedeynayo inay xariir la leeyihiin dagaalyahanada ka dagaalama koofurta Soomaaliya.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ku cel celisay in ka go’antahay ka sifeynta deegaanada Puntland kooxo ay ku tilmaamtay inay carqaladeynayaan amaanka deeganada Puntland inkastoo wali Magaalada Boosaaso ay ka dhacayaan qaraxyada iyo dilalka kale ee qorsheysan.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News