Monday, December 13, 2010

Cuqaasha Buuhoodle: “Kuma Qanacsanin Go’aamadii Laga Soo Saaray Shirkii Maygaagle”

Midig: Garaad Ibraahim Baaruud iyo Cuqaal kale oo Reer Buuhoodle ah
Isimada iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle ayaa maanta shir ay qabteen kaga hadlay xaalada baliga Kalshaale iyo xiisadaha colaadeed ee dib uga soo cusboonaaday deegaanka. Kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen
Isimo,Cuqaal,Culuma’udiin,Waxgarad,Aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle,kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen ergooyinkii nabadeynta ee ka qaybgalay shirkii Maygaagle iyo waxgarad kale oo u dhashay deegaanka.

Ka dib markii shir dhex-dhexaadin ah oo labada beelood ee kala dega deegaanada bariga Burco iyo Buuhoodle uu uga soconayey shir magaalada Maygaagle,kaasi oo kusoo dhamaaday is afgarasho la’aan taasi oo beesha degta Buuhoodle ay ku qanci weyday go’aamadii laga soo saaray shirkaasi.

Kulankaasi ka dib ayaa waxaa kasoo baxay saddex qodob oo u Saxaafada ka hor akhriyey Caaqil Cabdirixmaan Axmed oo ka mid ah cuqaasha deegaanka Buuhoodle,waxaana ka mid ah qodobadaasi:

1. In beesha Buuhoodle aaney ku qanacsaneyn xukunkii Maxkamada ee go’aamadii kasoo baxay shirkii Maygaagle ambiilna ay ka qaadanayaan.

2. In aysan Ururo nabadiid ahi kunooleyn magaalada Buuhoodle arrintaasi oo ay inta badan ku andacoodaan maamulada hareeraha ka xiga magaalada Buuhoodle.

3. In beesha Buuhoodle ay diyaar u tahay in la’aaso baliga Kalshaale ka dibna la galo wadahadalo nabadeed oo lagu dhameeynayo mashaqadii dhexmartay labada beelood ee bariga Burco iyo Buuhoodle.

Dhanka kale waxaa maalmihii ugu danbeeyey laga dareemayey deegaanka Buuhoodle xiisad colaadeed ka dib markii la isku afragan waayey wadahadaladii nabadeed ee ka soconayey magaalada Maygaagle.

Waxaana qaar ka mid ah ciidamo maleeshiyo beeleedyada kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle ay haatan fariisimo cusub ka sameysteen baliga Hagoogane oo 3KM u jirta baliga Kalshaale,iyadoo horey ay maleeshiyaad beeleedyada bariga Burco fariisimo ugu lahaayeen baliga Kalshaale.

Si kastaba arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmayaan xili dhawaan beelihii ku dagaamay deegaanka Kalshaale aysan heshiisan heshiis dhamaystiran kulan lagu dhex-dhexaadinayo deegaanka Maygaagle ee gobolka Cayn.

Cabdirixmaan Cumar Cabdi
Horseed Media

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News