Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, December 6, 2010

Maxkamada Kenya oo dib u dhigtay Dacwada dadkii Xalay la xiray.

Maxkamada Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa maanta dib u dhigtay dacwad ay ku qaadi laheyd boqolaal ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo xalay ay xir xireen ciidamada Booliska ee dalka Kenya.


Wararka laga helayo Magaalad Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in axkmada Booliska ee dalka Kenya ay maanta dib u dhigtay dacwad lagu qaadi lahaa dad farabadan oo xalay Ciidamada booliska ee dalka Kenya ay ka qab qabteen xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Maxkamada ayaa waxaa la keenay in ka badan 160 qof oo ka mid ahaa dadkii xalay ay qabteen ciidamada Booliska ee Kenya, hase ahaatee masuuliyiinta Maxkamada ayaa dib u dhigay go’aanka laga gaarayo dadkaasi la soo qab qabtay.

Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada booliska ee dalka Kenya ay sii daayeen in ka badan 130 qof oo heysta sharciga dalkaasi Kenya islamarkaana uu ku jiro nin u dhashay wadanka Kenya kaasi oo ay xalay qabteen ciidamada Booliska.

Waalidiin farabadan ayaa maanta tagay Maxkamada, waxaana ay ku andacoonayeen in ilmahooda si qaldan ay u xireen ciidamada booliska, waxaana ay sheegeen in qaar ka mid ah dadka la xiray ay ku jireen arday wax ka baraneysay Xarumo waxbarasho oo kuyaala dalka Kenya.

Sidoo kale dadka ay xalay xir xireen ciidamada ayaa waxaa ku jiray dad ka yimid wadamada Qaarada Yurub kuwaasi oo Magaalada Nairobi u yimid inay ehaladooda soo eegaan, hase ahaatee waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska ee dalkaasi Kenya.

Hadal heynta ugu badan ee Maanta ka jirtay Magaalada Nairobi ayaa aheeyd Raafkii xalay ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeen dadka u badan Soomaalida, waxaana arintaani lala xariirinayaa in ay ku lug leedahay qaraxii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Kenya.


SOurce: Shabell

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News