Thursday, December 9, 2010

Maxkamad Swidish ah oo sanado ku xakuntay wiilal Soomaali ah oo lala xiriiryey Al Shabaab

Maxkamad ku taalo magaalada Gottenberg ee dalka Sweden ay min afar sano oo xarig ah ku xakuntay laba wiil oo dhalonyaro Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa ay ka tirsanyihiin mujtamaca Soomaalida ee ku nool dalka Sweden waxaa ay sidoo kale ka mid yihiin dhalinyarada ku barbaartay dalkaasi ku yaala Waqooyiga Yurub.

Sidoo kale labadan wiil dhalinyarada ah waxaa lagu eedeeyey in ay wadeen qorshe ay ku fulin lahaayeen weeraro Argagixiso ah, laakiin waa ay beeniyeen eedeymahaasi, hase yeeshee waxay qirteen in ay Soomaali badan la kulmeen isla markaana dhaqaale u aruuriyeen Xarakada alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya.

Maxkamada ayaa lagu soo bandhigay cadeymo ah codad laga duubay labada wiil dhalinyarada ah oo wada shaqeyn dhex martay, waxayna maxkamadu go’aan kama danbeys ah ku gaartay min 4 sano oo Xarig ah in ay liqaan dhalinyaradaasi.


Dalkayaga@gmail.com




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News