Tuesday, December 7, 2010

Maamulka Galmudug oo isu dirka beelaha ku eedeeyey Maamulka Puntland.

Waxaa saaka degan duleedka magaalada Gaalkacyo halkaasoo dagaal qasaaro badan geestay uu ka dhacay, waxaana kordhay qasaarahaasi dhimasho iyo dhaawac.



Waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday ku dhawaad toban qof, waxaana cisbitaalka la gaarsiiyay ilaa labaatan qof dhaawacyo kala duwan qaba.

Waxaa weli is hor fadhiya dhinacyada dagaalamay, waxaana jira dadaalo nabadeed ay wadaayn odayaal iyo waxgarad.

Maamulka Gal-Mudug ayaa ku eedeeyay dagaaladaasi inuu mas’uul ka yahay maamulka Puntland.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulka Gal-Mudug, Axmed Baasto ayaa wuxuu sheegay ciidamada Puntland inay weerar ku qaadeen dad shacab ah ayna xasuuqeen.

“Nasiib darro waxaa ah in ay go’aamiso Puntland colaad weerarna ay qaadeen, iyadoo nabad lagu baaqay,” ayuu yiri Axmed Baasto.

Wuxuu sheegay Axmed Baasto in lagu xasuuqay dad shcab ah hub loogu tala galay in lagula dagaalamo burcad badeeda oo Puntland ay ka heshay dowlado caalamka ah.

“Iyagaa mas’uul ka ah (dowladahaasi) dhibaatada loo geestay shacabka sababtoo ah iyagaa hubka soo siiyay mana aysan ku kontaroolin,” ayuu yiri.

Axmed Baasto ayaa wuxuu ku tilmaamay mid aargoosi iyo aano qabiil ah dagaalkii shalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku eedeeyay inuu ka dambeeyo maamuka Puntland.
Ma jiro wax war ah oo la xiriira eedeymahan oo weli ka soo baxay maamul.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News