Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, December 4, 2010

Jaad Culeyskiisu Ahaa 3,3 Tan Laguna Qiimeeyay 1.250.000 €

Jaad culeyskiisu ahaa 3,3 Tan laguna qiimeeyay 1.250.000 € Hal Milyan Laba Boqol Iyo Konton Kun Oo Euro ayeey meel fagaaro ah ku gubeen ciidamada Poliska ee dalka Jarmalka, ka dib kolkii la qabtay isagoo ku sii socday wadamada Denmar Iyo sweden.

Jaadkii la qabtay Oo cagaf lagu gurayo

Baabuur Nooca Xamuulka Qaada oo Ka Yimid Dalka Holand,Ayaa La Qabtay Isagoo Marayay Wadada Nr-keedu  Ahaa A2 Isagoo Siday Jaad Culuskiisu Ahaa 3,3 Tan,Isagoo Ku Sii Jeeday Dalalka denmark iyo sweden waxaana baabuurkaasi la qabtay waday nin u dhashay dalka Poland Da´diisuna lagu sheegay 24 jir, Poliska Dalka Jarmalka Ayeey u Suurta Gashay In Ay Gacanta ku Soo Dhigaan Baabuurkasi Siday Jaadka Xili uu Darwalku ku Nasanayay Meel Qaxwaha laga cabo oo Ku Tiilay Wadada uu Marayay Dhinaceeda, Halkaas oo Ay Darawaladu Ku Nastaan.
 

Saacadu markey ahayd 00.10 habeen jimco sabtuna soo galayay taarkhduna ahayd 27/11/2010: Dawralkii Waday Jaadka ee u Dhashay Dalka Poland Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay,Isagoo Halkaasi Ku Sugi Doono Inta Laga Maxkamadeynaayo, Jaadkiina Sida Aad Ku Aragtaan Sawirka Waa La Gubay.
 

Jaadkaas oo  Culuyskiisu Ahaa 3,3 Tan Ayeey Dowlada Jarmalku Ku Qiimeeyeen Lacag Dhan  Hal Milyan Laba Boqol Iyo Konton Kun € Oo Euro Taas Oo Ah Lacag Aad u Fara Badan.

Dowlada Jarmalka Ayaa Jaadka Waxa Ay Ku Dartay Liiska Muqaadaraadka Dalkeeda Mabnuuca ka ah.
 

Waxayna Inta Badan Culeyska Saartaa Kuwa Dalkeeda Sida,Sharcidarada Ku Soo Galiyo Jaadka Iyagoo Ka Soo Qaadaya Dalka Holand Halkaas Oo Uu Si Joogta Ah Uga Soo Dego Isagoo Si Toosa, Uga Yimaada Dalka Kenya,Waxayna Dowlada Holand Ka Heshaa Lacag Aad u Fara  Badan oo Dhinaca Canshuurta Ah.

Mana Aha Markii Ugu Horeysay Ee Ay Ciidamada Poliska Ee Dalka Jarmalka Soo Qabtaan, Jaad u Socday Dalalka Jarmalka,Denmark Sweden Iyo Iswiiska,Warbixin Ay Soo Saartay Dowlada Jarmalka Ayeey Ku  Xaqiijisay In Ay Sanadkaan Aanu Ku Jirno ee 2010 Gudiisa,Ay Ciidamada, La Dagaalanka Muqaadaraadka Qabteen Jaad Culeyskiisu Ahaa Ilaa 18 Tan, Kaas oo Ku Socday Wadamo Badan Sida Dalalka Sweden,Denmark,Jarmalka iyo Iswiska.Iyo Meelo Kale.  

Cabdirashiid Shaam 
Bonn Dalka Jarmalka 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News