Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 30, 2010

Hargaysa oo Xukuntay Nimankii Ruushka ahaa, Lana Wareegtay Saanaddii ay Sidday Diyaaraddii ay Wadeen

Maxkamadda gobalka Hargaysa ayaa xukun ku riday lixdii duuliye ee diyaraddii dhawaan lagu qbtay madaarka caalimaga ah ee Igal International Airport, taas oo , sida la shaaciyey, saannad militari u siddey dowlad goboleedka Puntland.


Lixda duuliye oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Ruushka, ayaa waxaa lagu xukumay min hal sano oo xadhig ah, iyo gannaax lacageed oo gaadhaya 3 million, halka qalabkii ay diyaaraddu siddayna ay dowladda Soomaliland la wareegtay.

Dacwadda eedaysanayaasha Ruushka ayaa maalmihii ugu dambaysay ka socotay Maxakmadda Degmada, iyaga oo iska fogeeyey eedaynta ay dawladdu usoo jeedisay.

Dhinaca kale, weli wax war ah kama soo bixin waddanka Ruushka oo ay u dhasheen eedaysanyaashan, iyo maamul goboleedka Puntland oo sida la sheegay ay u waddeen saanado militari.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News