Friday, December 17, 2010

Golaha Sare Culumada Ahlusuna oo sheegay in Shabaab iyo Xisbul Islaan xaqdaradii umada ku hayeen

Golaha Sare Culumada Ahlusuna Waljamaacah ayaa ka hadlay dagaalada iyo xiisadaha u dhaxeeya Shabaab iyo Xisbul Islaam ee maalmahan ka taagnaa Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo nasiib daro ku tilmaamay inay ku dul dagaalamaan dadkii ay horay uga barakiciyeen Magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay Culumada Ahlusuna Waljamaacah ayaa lagu sheegay inay soo dilaacday xaqii umada, isla markaana labadan kooxood ee magacyada diinta wata ay xaqdaradii umada ay ku hayeen maanta iyaga ku dagaalamaya.

Culimada ayaa sheegay in dagaalka hada ka dhex dilaacay labadaas kooxood uu yahay mid shacabka u iftiiminaya in diin aanay ku socon, ayna wadaan dano gaar ah oo mansab iyo xukun ay ku raadinayaan.

Bayaanka salaadii jimcaha ayaa loogu baaqay shacabka muslimiin inay ka digtoonaadaan waxa ay ugu yeereen fidno ay wadaan kooxahaas, kaasoo ay ku sheegeen inay noqon karto mid shacabka ay saameyso hadii ay dagaalamaan.

Culimada ayaa si guud ugu baaqay dhalinyarada ay dagaal gelinayaan labadaas kooxood in aanay dan shacab iyo mid diin wadin, oo ay ka soo leexdaan wadada qaldan ee lagu hogaaminayaan, iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay in wixii shalay ay dadka ku gaaleysiinayaan ay iyagu isku gaaleysiinayaan.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in jihaad aan ka jirin dalka, isla markaana waxa hada socda uu yahay dan gaar ahaaneed, waxaana dowladda soomaaliya ay ugu baaqeen culimada inay cafis u fidiso dhalinyarada la qalday si ay uga soo baxaan jidka qaldan ee lagu hogaanshay.

Ugu dambeyn Cuilimada ayaa ugu baaqay in shacaba ka barakacay magaalada Muqdisho aan loo sii horseedin dhibaato iyo barakac kale, hadii labadan urur ee magaca diinta sheeganaya ay dagaalamaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray dagaalo iyo xiisado u dhaxeeyay Shabaab iyo Xisbul Islaam, kaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan Bay iyo Sh/Hoose oo lagala wareegay Kooxda Xisbiga Islaamka sheegata.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News