Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, December 6, 2010

Garoowe:Qaramada Midoobey oo taageertay Ciidamada Badda ee Puntland Tababarka ay u wado & Somaliland oo Walaac ka muujisay.

Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa ayaa taageertay islamarkaasna soo dhaweysay Boqolaal ka Askari ee ay Dawlada Puntland Mudooyinkii lasoo dhaafay u waday Tababarada kaladuwan kuwaas oo ah ciidanka badda ee Puntland oo si gaar ah ula dagaalami doona Burcad Badeeda Soomaalida ah ee sanadihii lasoo dhaafay soo badanaysay.

Madaxa La dagaalanka Burcad Badeeda ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Mr. Alan Cole ayaa amaanay Talaabada Tababarsiineed ee ay Puntland ku tilaabsatay,waxaana uu sheegey in loo baahanyahay in Ciidamadaasi ay si deg deg ah u shaqo bilaabaan si buuyiri ay waxbadan uga qabtaan Howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda,isagoo ku celceliyey in Qaramada Midoobey ay amaanayso Tilaabadaas.

Mr.Cole Wuxuu sidoo kale sheegey in Puntland & Hay’adaha ka caawinaya tababarka Ciidamadan loo baahanyahay inay Mas’uuliyad gaar ah iska saaraan Shaqadan Culus,isagoo sheegey in loo baahanyahay inay hal Mas’uuliyad oo gaar ah yeelato si ay Puntland u afjarto Kooxaha Burcada ah.

Dhinaca kalena Wasiirka Warfaafinta ee Maamul goboleedka Somaliland ayaa maanta Magaalada Hargeysa ka sheegey in Xukuumadiisu ay walaac gooni ah ka qabto Ciidamada ay Puntland tababaranayso oo uu sheegey in Ujeedooyin kale laga leeyahay kuwaas oo uu sheegey inay uga sii dari karto Xiriirka labada dhinac oo aanan awalba wanaagsanayn.



Xigasho: APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News