Saturday, December 4, 2010

Gaalkacyo:Kaam kuyaala Koonfurta Gaalkacyo oo Maanta Basbeelay.

Kaamka Hiiraan oo kamid ah Kaamamka dadka soo barakacay ee kuyaala Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan koonfurta Magaalada ayaa Basbeelay kadib markii uu Maanta ka dilaacay Dab balaaran oo Saacado badan halkaas ka socday kaas oo keenay Khasaaro Nafeed.

Dabkaan ayaa Wararka laga helayo Koonfurta Magaaladu waxay kusoo waramayaan in Ugu yaraan uu Hal ruux ku dhintay islamarkaasna ay jiraan dad Jirkooda qaarkamid ah uu ku gubtay Dabka,waxaana sidoo kale goobta ku basbeelay Cooshadu ay dadkaasi degenaayaan kuwaas oo ay Kol hore Guryo uga samaysteen.

Warar kaladuwan ayaa kasoo baxaya gubashada Xeradan ay degenyihiin dadka soo barakacaya,waxaana jira warar sheegaya in dabkan ay ku lugleeyihiin qaarkamid ah ganacsatada Koonfurta Gaalkacyo kuwaas oo la sheegey inay dabka qabadsiiyeen kadib markii ay dadka Kaamkan ku nooli ay ka biyo diideen amar ay shalay ganacsatadaasi ku bixisay inay dadku ku baneeyeen balse aanan hirgalin.

Gudoomiyaha Koonfurta Gaalkacyo oo ay APL xiriir la samaysay ayaa sheegey inay baarayaan cida ka danbaysay Dabkaan,waxaana uu ka gaabsaday in uu jiro Warka sheegaya in Dabka ay ka danbeeyeen qaarkamid ah ganacsatada iskaleh Dhulka uu ku yaalo Kaamku isagoo sheegey inay Dhawaan soo gudbin doonaan Xaqiiqda dhabta ah ee kusaabsan Gubashada Kaamka Shabeele oo Khasaaro Nafeed & Mid Hoy la’aaneed keenay.


Source: Allpuntland

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News