Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 30, 2010

Gaalkacyo: Xawaalado iyo shirkado isgaarsiin oo la xiray

Qaar ka mid ah shirkadaha xaawaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta ee ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta albaabada loo laabay kaddib markii ay ka dhego adeygeen inay bixiyaan lacago uu ku amray maamulka Galmudug.



Shirkadahan oo ay ka mid yihiin Iftin, Amal, Qaran, Hodan global, Hormuud, Golis iyo Olympic, ayaa maanta albaabbada loogu laabay howlgallo ay sameeyeen ciidamada maamulka Galmudug, iyadoo la sheegay shirkadahaasi inay bixin waayeen lacag uu maamulku ku sheegay in lagu diiwaangelinayo oo gaareysa middiiba 10 kun oo doollar.

Taliyaha ciidamada booliska ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali oo Bar Kulan la hadlay ayaa sheegay in shirkadahaasi ay bixin waayeen lacag diiwaan-gelin ah, isagoo intaasi ku daray in tallaabo noocaas oo kale ah laga qaadi doono cid kasta oo diidda inay lacagahaasi bixiso.

Wakiillada shirkadahan ayaa sheegay in arrintaasi ay u taallo maamullada sare ee shirakadaha, isla markaana iyagu asyan waxba bixin karin, iyadoo horay loo xiray hay’ado maxalli ah oo deegaanka ka howlgala kuwaasoo ka hor yimid inay bixiyaan lacagtaas diwaan-gelinta ah.

Lacagtan la uruurinayo ayaa maamulka Galmudug waxay ku sheegeen in ay tahay mid wax looga qabanayo horumarinta iyo nabadgelyada deegaannada ay maamulaan.



Xigasho: Iadaacadda Bar Kulan

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News