Wednesday, December 29, 2010

Cumar Cabdirashiid oo Caddeeye Xiriirka ka Dhaxeeya Shiikh Shirif iyo Koxaha Alshabaab iyo Xsb Islaan

Waraysi uu siiyey VOA ayuu Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ku eedeeyey ciidamada maxkamadaha iyo hoggaankooda Shikh Shirif Sh. Ahmed in ay ka hor istaageen dawladdii uu Prime Ministerka ka ahaa inay ka sifayso Alshabaab iyo Xisb Isaan oo gacan la leh argagixisada caalamiga ah ee ay caynaanka u hayso Alqaeda, magaalda Muqdishu.


Dad badan oo indha-indheeya siyaasadda Soomaliya, khaasatan, xiriirka ka dhaxeeya Shiikh Shirif Sh. Ahmed iyo qooxaha argagixisada ah ee Alshabaab hor booddo, ayaan iyagu u arkin wax cusub aqaylo dhaantan Cumar Cabshirashiid kasoo yeedhay xilli uu baneeyey xafiiskii uu u hayey Shiikh Shirif.

Halkan ka dhagayso waraysiga Cumar Cabdirashiid oo aad dheer taabanayana arimo kala duwan: xiriirka maxkamadaha iyo alshbaab, shirkadda waddanka lagu wareejiyey iyo cidda sixiixday, iyo weliba arimo badan oo kale

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News