Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, December 9, 2010

Cadan: 50 Qof Soomaali ah 3 bil gudahooda ku geeriyooday Xaduudka Yemen iyo Sacuudiga

Waxaa la xaqiijiyey in ilaa 50 Qofood oo Soomaali ah Seddexdii Bilood ee la soo dhaafay ku geeriyoodeen Xaduuda ay wadaagaan Wadamada Sacuudiga iyo Yemen ka dib markii dadka Soomaalida ah gaajo iyo Haraad ay la kulmeen.

Qunsul Xigeenka Dalka Soomaalida magaalada Cadan ee dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed oo la hadla Warbaahinta qaar ayaa sheegay in 50 qofood oo Soomaali ah islamarkaana u badnaa dad dhalinyaro ah oo isugu jiray rag iyo dumar in Seddexdii bilood ee la soo dhaafay gaajo iyo haraad ay ugu dhinteen dhul banaan oo ku yaala xaduudka Sacuudiga iyo Yemen.

Sidoo kale Qunsulka ayaa sheegay in daka dhintay qaar ka mid ah iyagoo qatar caafimaad ku jira la keenay Isbitaal ku yaala magaalada Cadan hasa ahatee intooda badan ay dhinteen waxa uuna ugu baaqay Soomaalida tahriib doonka ah in ay dib uga laabtaan go'aanada dalkooda Somaaliya ay uga soo haajirayaan islamarkaana qatar naftooda ay u galinayaan.

Ka dib burburkii Dowladdii dhaxe ee Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka cararay Soomaali badan oo qaarkood u haajiray wadamada reer galbeed halka kuwana ay u haajireen wadamada Yemen iyo Sacuudiga hasa haatee waxaa xusid mudan in Soomaalida dalka ka haajirtay in teeda badan ay sababsatay bada u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Yemen iyo Sidoo kale dhulka buuraleeyda ah ee u dhaxeeya Yemen iyo Sacuudiga oo gaajo loogu dhintay.

Iyadoo sidaasi ay jirto ayaa waxaa yaraaday qul qulka dadka Soomaalida ah ee tahriib doonka ah kuwaasi oo dalka Soomaaliya uga talaaba dalka Yemen ka dib u sii gudba dalka Sacuudiga ka dib markii maamulka Puntland uu maro ka soo saray dadka tahriibka ah iyo kuwa tahriibiyaba.

 

APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News