Thursday, December 16, 2010

Ahlu Sunna oo sheegtay in ay qabsatay xaafado ka mid ah degmada Hodan.




Saraakiisha Ahlusunna Waljameeca Gobolka Banaadir ayaa guulo ka sheegtay dagaalo iyo Duqeymo degmada Hodon ku dhex maray ciidamadaasi iyo kooxda argagaxisada ah ee  Alshabaab.


Cumar Macalin Nuur oo ah Taliyaha Ciidamada Ahlusunna Waljameeca Gobolka Banaadir ayaa sheegay isagoo ku sugan Jiida hore dagaalka in ay guulo ka gaareen dagaalada saacadihii ugu danbeeyey degmadaasi kula galeen Alshabaab oo ay saacidaysay Xisb Slaam, sida uu yiri.

Taliyaha waxa uu intaasi ku daray in ay la wareegeen goobihii Alshabaab horay uga qabsadeen ee Siigaale iyo Agagaarka Mowlaca Macalin Nuur.



Taliye Mr Cumar haddalkiisa ayaa ku soo beegmay xili dagaalo xoogan iyo duqeymo saameeyey dadka shacabka ah degmooyinka Magaalada Muqdisho ku dhex marayaan kooxda alshabaab iyo xoogaggii maxaakiimta Dowladda KMG oo garab ka helaya ciidamada AMISOM iyo Ahlusunna Waljameeca.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News