Wednesday, December 22, 2010

Ahlu Sunna oo mamnucday iibsiga guryaha dowladii hore.

Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay isaga guuraan guryaha dowladii hore ee kuyaala degmadaasi.


Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Dhuusamareeb C/laahi Cabdi Nuur oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka degan guryihii dowladii hore ee Soomaaliya inay isaga guuraan halkaasi, isagoo tilmaamay in ay jiraan dad si sharci daro ah u iibiyay dhul ay laheyd dowladii dhexe.

C/laahi Cabdi Nuur ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada iyo shacabka kale ee ku dhaqan meelaha ay ka taliyaan Ahlu Sunna Waljamaaca in aysan hantidooda iska galin dhul ay leedahay dowladii hore, isagoo intaasi ku daray in qofkii iibsadaa dhulkaasi ay kula xisaabtami doonaan.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hantida dowladii hore ay ka dhaxeyso shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan ogolaan doonin in qof shaqsi ah uu iibsado ama si gaar ah u dhisto.

Amarkaan ka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusamareeb ayaa saameyn waxaa uu ku yeeshay qoysas barakacayaal ah oo haatan ku jira qaar ka mid ah guryihii dowladii hore ee Soomaaliya ee kuyaala Magaaladaasi dhuusamareeb.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News