Saturday, November 6, 2010

Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay Inay Fulinayso Go’aamadii Shirka Widhwidh

Guddiga Xallinta Tabashooyinka Gobollada Bari ee Somaliland ee ka qayb galay shirkii ka dhacay degaanka Widh-Widh ee dhexmaray xukuumadda iyo madax dhaqameedka Degaankaasi, ayaa shir
 jaraa’id ku qabtay galinkii dambe ee shalay Huteel City Plaza ee magaaladda Burco, iyaga oo sheegay inay xukuumad ahaan fulin doonaan go’aamada shirkii Widhwidh.




Waxa kale oo guddidu sheegtay in shirkaasi ku dhamaaday si wanaagsan, isla markaana ka soo baxeen go’aamo ay labadda dhinaca si wada jira u wada saxeexeen, iyagoo xusay in shirkani yahay hordhac, balse la qaban doono shirar kale oo ka sii balaadhan.



Haddaba shirkaasi ka dib, ayaa su’aalo la waydiiday xubno Waftiga oo ka jaaabayay Guddoomiyaha guddida hawlaha nabadaynta ah waday Md. Baashe Maxamuud Faarax, ayaa waxay u dhacay Sidan:



S: Garaad Abshir Saalax oo ah Garaadkii Heshiishka iyo go’aamadda shirkii Widh-Widh idinla saxeexday wuxuu ku dhawaaqay inuu mawqifkiisa iyo degaankiisba raacsan yahay Puntland, arrintaasi siday idiinla muuqata, miyaanay dhabar jab ku ahayn go’aamadii ka soo baxay shirkaasi.?



J: Anagu maanu dhagaysan BBC-da, manaanu maqal, umana malay naayo in Garaad ku yidhi waan ka noqday saxeexaygii, anagu xaxaanu la soconaa wanaagii aanu kala nimi degaanka Widh-Widh iyo go’aamadii aanu isla soo qaadanay, isla markaana anagu waanu fulinaynaa go’aamadaasi, degaan kaasna waxaanu kagaga nimi dad reer Somaliland ah oo Jecel inay dadkooda wax la qabsadaan.



S: Madaxweynaha Somaliland wuxuu gogasha nabadda u fidiyay madax-dhaqameedka degaamadda Sool iyo Buuhoodle, shirkana ka may soo xaadirin, taasina miyaanay Jawaab diidmo ah ahayn.?



J: Maya, garaadadu way wada ogolaadeen gogosha nabadeed, balse Garaad Abshir isagaa gogosha fidiyay oo qabtay, markaanu Widh-Widh tagaynayna maanu odhan, garaadadu way ka soo wada qayb galayaan, haseyeeshe, shirkani wuxuu ahaa kadinkii iyo albaabkii ay ka bilaab maayeen shirarka nabadu, Garaadada waanu wada xidhiidhnay, cidkasta oo nabadda danaynaysaa, halkooda ayaanu ugu tagaynaa.



S: Magdhawga ay xukuumaddu bixinayso waa Imisa?



J: Magdhawga la bixinayaa waa dadkii shicibka ahaa ee aan hubka sidan, Waxaana balan qaaday, xukuumadii hore, gagta Qafkuna waa wax cayiman oo la yaqaan.



S: Arrintii ciidanka qaranka ee beesha degaankaasi dalbaysay in laga raro maxaa laga yeelay?



J: Wasiirka Gashaandhiga, Cadami: arrinta milateriga haddanu iska diidnay iyo haddanu yeelnay go’aamadda ayay ka muuqan lahaayeen, arrimaha ciidankuna waa sir, haddana ciidankii qaranku meeshiisu ayuu yaala oo ku sugan yahay.



Dhinaca kale, intii aanay weftigu soo gaadhin magaalada Burco, waxay soo mareen deegaannada Gobolka Sool, iyaga kulan ballaadhan magaalada Laascaanood kula yeeshay madaxdhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka reer Sool.



Guddigu waxay shirkaasi kaga xogwarameen socdaalkooda ay ku soo mareen degaano kala duwan oo ka tirsan gobollada Buuhoodle iyo Sool, xaaladaha caqabada ku noqon kara nabadgelyada iyo weliba sida xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u ballanqaaday in dhammaan bulshada walaalaha ah ee Somaliland cid kasta oo wax tabanaysa ay ku xallinayaan si nabadgelyo ah.



“Wax allaale wixii xagga siyaasadda iyo xukuumadda ku xidhan heer Madaxweyne ha noqoto ama heer wasiir ha noqotee aniga iyo ragga kale ee Golaha Wasiirrada idinkaga jira noo daaya, annaga ayaana ballanqaadayna.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Cataash oo la hadlayey odayaasha iyo waxgaradka reer Laascaanood.



Dhinaca, kalena qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka shirkaasi ka qaybgalay ayaa iyaguna dhinacooda ka hadlay waxyaabaha ay ka cabanayaan, iyagoo si weyn u soo dhaweeyey wadahadalka xukuumaddu ku ballanqaaday, isla markaana ay dhinacooda ka go’an tahay in nabadgelyada gobolka ka shaqeeyaan.



Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News