Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, November 13, 2010

Xildhibaano Muqdisho ku kulmay oo sheegay in Xukuumada ay qaladweyn gashay.

Kulan ay maaanta magaalada Muqdisho ku qaateen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya waxa ay uga hadleen magaacaabsita Golaha Waiirada iyo moowqifka baarlamaanka KMG ee Soomaaliya iyagoona sheegay in xukuumada ay qaladweyn ku dhacday.



Caasho Axmed Cabadala oo ka mid ahayd xuldhibaada kulanka qaatay islamarkaana saxaafad kulanka uga warbixisay ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaraha uu qalday miisaanka siyaasadeed ee Dowlada KMG islaamraana uu ku xag gudbay miisaanka Beelaha qaar iyo miisaanka TFG-da iyo ARS-, waxa ayna ugu baaqday Xildhinaanad Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah u diidaan Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Cawad Axmed Casharo oo ka mid ahaa mudanaayasha maanta kulanka qaatay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaarah xalay uu shaaciyey golo Wasiiro ee aysan baarlamaanka marnaba ku qanci doonin, waxa uuna sido kale sheegay in ay codka kalsoonid ah kala laabteen Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa muuqata in Golaha Wasiirada ay diidmo kala kulmi doonaan hadii la fiiriyo gadoodsanaanta qaar ka mid ah xildhibaanada ee ku aadan Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay, waxaase qaar ka mid ah dadka siyaasadaha udhuun duleelo ay ku waramayaan in Ra’isul Waaraaraha uu caqabdaan uga gudbi karo iibsashada codadka xildhibaanada sida aalaaba dhacda.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News