Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, November 23, 2010

Xaalada amaan ee xaafada somalida Islii oo faraha kasiibexeyso xili wiil dhalinyaro ah xalay lagu dilay

Kooxo burcad hubeysan ayaa habeenimadii xalay eheyd waxa ay fal dil ah u geysteen wiil dhalinyaro ah xaafada somalida Islii magalad Nairobi.


Wiilkan dhalinyarad ah oo lagu magacaabi jiray cali faarax ayaa xiliga falka dilka ah loo geysanayay waxa uu ka soo baxay gurigiisa oo kuyaal Xafada somalida Islii waxa uuna xilgaasi ahaa  safar u sii jeeday magalada Gaalkacyo.

Sida ay ku waramayaan Masuliyiinta xiligaasi qaadayay oo ku sugnaa goobta falka dilka loogu geystay wiilka dhalinyarada ah, waxaana ay ehelada wiilkan ka walaaceen qaabka falka dilka loogu geystay wiilkoda, xili habeen ah abaara 4:00am.

Marxuub Cali ayaa ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata si uu ugu safro eheladiisa Oo ku sugan Magalada G/kacyo.

Saaacado kadib markii uu falka dhamaaday ayaa goobta waxaa soogaaray tiro yar oo police-ka Kenya katirsan kuwaas oo kasocday saldhig u dhow goobta uu falka ka dhacay ee Bangani.

Xafada somalida ay ka dagan yihiin dalka Kenya Magalada Nairobi ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen xaalad amaan xumi ah iyadoo tobobaadyadii lasoo dhafay lagu dilay tiro Somali ah.

Falalkan ayaa loo aaneynayaa in ay ka gaabisay Dowlada Kenya adkeynta amaanka somalida iyo deegaanada ay dalka Kenya ka dagan yihiin.

Xiligana waa waqtiga ay dadka kenyanka ah isugu diyaarinayen ubixida sanadka cusub markaas oo ay soo bataan falalka ay kooxaha burcada geysanayaan, iyadoo xiliyadii hore laga caban jiray askarta iyaguna lacago baad ah ka qaadan jiray. 

Dowlada Kenya ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabato xaaladahan adage e xiligan soo wajahay somalida magan galyo doonka ah eek u soo qul qulaya dalkeeda, falalkana waa kuwu soo noqnoqonayay xiliyadii dambe.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News