Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, November 21, 2010

Wasiir ku xigeen kale oo ka tirsan X/KMG oo iska Casilay xilkiisa

Waxaa maanta mar kale Magaalada Muqdiosho isku Casilay Wasiir ku xigeen kale oo ka tirsan Wasiir ku xigeenadii dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KG Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukumada KMG Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in uu iska casilay xilkii dhawaan uu u magacaabay Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in iscasilaadiisa uu go’aansaday kadib markii beesha uu ka soo jeedo ay ku qanci weysay xilka loo magacaabay, isagoo sheegay in kadib wada tashi dheer uu la qaatay beeshiisa uu go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxaana uu u sababeeyay is casilaadiisa in la jabiyay heshiiskii Jabuuti.

Faysal Cumar Guuleed oo maanta iska casilay xilka Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashadaha, Hidaha iyo Tacliinta ayaa sheegay inay aysan ku qanacsaneyn habka loo soo dhisay Xukuumada KMG Soomaaliya, isagoo Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay in uu wax ka badalo habka uu haatan wax u dhisay.

Waa wasiir ku xigeenkii labaad oo ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo oo iska Casila xilkiisa, iyadoo wali Barlamanka aan la horgeyn xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Farmaajo.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News