Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, November 19, 2010

Wasiir ku xigeen is casilay

Cabdicasiis Lafta Giriin, oo shalay loo magacaabay xilka wasiir ku-xigeenka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay.


Lafta Giriin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in qaabka loo dhisay golaha wasiirada ee uu magacaabay ra’isal wasaaraha aysan waafaqsaneyn heshiisyadii Jabuuti iyo Embagathi oo uu  tilmaamayey in qaab dheelitiran ay beelaha Soomaaliyeed wax ku qaybsadaan.

Cabdicasiis Lafta Giriin ayaa sheegay in ay jiraan xadgudubyo lagu sameeyey qaabka wax wada qaybsiga beelaha, wuxuuna ku celceliyey in ay haboon tahay in laga fiirsado sida ay wax u socdaan.

Lafta Giriin ayaa sheegay in madaxda dowladda ay sheegeen in la yareynayo tirada xubnaha golaha wasiirada, balse ay muuqato in wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada haatan lagu dhawaaqay ay aad ugu badan yihiin kuwii ku jiray xukuumaddii uu ra’isal wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid.

Cabdicasiis Lafta Giriin, ayaa horey u soo qabtay xilalka wasiirka xannaanada xoolaha, wasiirka dekeddaha, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada iyo xilal kale.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News