Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, November 10, 2010

Wafdi ka socda QM oo Maanta Garoowe Gaaray.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, iyagoo halkaasi kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Puntland.


Wafdigaani oo uu hogaaminayay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostiina Mahiiga ayaa maanta kulamo waxaa ay Magaaladaasi Garoowe kula qaateen masuuliyiinta Maamul goboleedka Puntland kuwaasi oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulkaasi C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole.

Kulanka Masuuliyiinta Puntland iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa diirada lagu saaray ka hadalka hormarka Maamulka Puntland uu ka gaaray dhinaca amaanka iyo dagaaladii Puntland ay la gashay Dagaalyahanadii ku sugnaa Galgala.

Ugu horeyn ayaa kulanka waxaa ka hadlay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostiina Mahiiga, waxaana uu sheegay in socdaalkiisa uu ku qotomo qaabkii uu u indha indhayn lahaa nabad galyada ka jirta Puntland, isagoo Puntland ku amaabay wadashaqeynta kala dhaxeysa dowladda KMG soomaaliya.

Mr Mahiiga waxaa uu soo hadal qaaday dagaaladii dhawaan maamul goboleedka Puntland uu la galay dagaalyahanada uu hogaaminayay Sheekh mAx’ed Saciid Atam, waxaana uu sheegay in talaabo hormarleh ay ka gaareen Maamulka Puntland tir tirida waxaa uu ugu yeeray Argagixasada.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole waxaana uu ugu baaqay Wafdiga Qaramada Midoobay inay isku xilqaamaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira deegaanada Puntland, waxaana uu sidoo kale madaxweyne Faroole ku baaqay in laga dhabeeyo heshiisyadii dhinaca burcad badeeda ee lagu gaaray Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga

Waa markii ugi horeysay ee Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayy caga dhigto Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu sheegay Agastooni Mahiiga in Puntland uu kula kulmay sawir ka baladan waxyaabihii uu horay uga aamisanaa.


Dalkayaga@gmail.com


Bookmark and Share



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News