Sunday, November 14, 2010

Shabaab oo qabuuro qodis ka wada Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe

Ciidamo katirsan kooxda mayalka adag Alshabaab ayaa aroornimadi hore ee sakay ilaa iyo iminka waxa ay wadaan Burburinda qubuuro iyo Mowlac weyn oo ku yaalay Degmada Warshiiq ee Sh/Dhexe .



Degmada Warsheikh waaa dagma caan ku ah fidina diinta islaamka halkaasi oo ay ku aasan yihiin Culuma’udiin fara badan kuwaasi oo magac iyo maamuus ku leh Bulshada Somaliyeed.mada wa
Ciidamadaani oo uu hogaminaya ninka shabab u qabilsan Qubuura faagida oo lagu magacaabo Karataay ayaa durba waxa ay bilaabeen hawshii caanka ay ku ahayeen ee bur burinta astaamaha Islaamka iyagoo dhulka la simay Madarasooyin diinta lagu barto, iyadoo sidoo kalena iminka ku howlan yihiin bur burinta qabuuraha ku yaalo halkasi.

Quubauuraha la fagayo ayaa waxaa kamid ah qabrigii Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celi), Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi, Sheekh Abiikar Mixdaar, ), Sheekh Da’ud Cali Idiris, Xaaji Maxamud (Sirmaqabe), Macalin Da’ud macalin Nuur iyo qaar kaloo fara badan oo halkaan lagu soo koobi karin.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News