Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, November 8, 2010

Qarax qasaare geystay oo maanta ka dhacay Hargeysa.

Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, kadib markii qof hubeysani oo bam ku tuuray gaari halkaasi marayay.


Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, waxaa galabta qarax mambaano uu geystay qasaare dhaawacyo ah uu ka dhacay xaafada Xiddigta ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa kadib markii nin sitay bamka gacanta laga tuuro uu ku qarxiyay gaari marayay halkaasi.

Qaraxa oo aan ilaa iyo hadda la sheegin cid ku dhimatay ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay murmeen ninka bamka tuuray iyo darwalkii waday gaariga la qarxiyay, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare soo gaaray dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Inta la ogyahay 9 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad xiligaasi marayay hareeraha wadada uu ku socday gaariga bamka lagu tuuray, waxaana dadkaasi qaarkood xaaladooda la sheegayaan inay wanaagsantahay sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha caafimaad ee Isbitaalka Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa saxaafada u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ruuxii bamkaasi qarxiyay, waxaana uu sheegay in arintaani aysan la xariirin falalka argagixiso.

Gaariga bamka lagu qarxiyay oo aad u bur buray ayaa la sheegay inuu in mudo ah yaalay goobta qaraxa uu ku haleelay, waxaana durbadiiba goobtaasi gaaray ciidamada amaanka ee Somaliland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News