Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, November 14, 2010

Qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata iskuulaha ku yaala magaalada Mandheera ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan ciidamada Kenya ee ku sugan xadka Mandheera iyo Balad-Xaawo.

Tan iyo markii dowladda Kenya ay soo dhoobtay Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ciidamo tiro badan oo isugu jira Milatari iyo Boolis ayaa arinkaasi waxaa uu saamayn ku yeeshay ganacsatada iyo ardayda ku dhaqan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana wixii ka dambeeyay xiligii ay ciidamadaasi yimaadeen Xadka ay wadaagaan Magaalooyinka Mandheera iyo Balad-Xaawo adkaatay in dadka Soomaalida ay si sahal ah uga talaabaan Xuduudaasi.

Qaar ka mid ah ardayda ku dhaqan magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo islamarkaana waxa ka barta Iskuulada ku yaala magaalada Mandheera ayaa waxaa ay si wayn uga cawdeen ciidamada ku sugan Xuduudaasi, waxaana ay intaasi raaciyeen in baaritaano ay maraan xiliyaga ay ku wajahanyihiin Iskuulka, iyagoo inta badan ka dib dhaca cashara ay ka bartaan Iskuulada ka furan magaaladaasi Mandheera.

Dowladda Kenya ayaa maalmihii u dambeysay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo baaritaano xoogan ay ka wadeen Xuduuda ay lawadagaan dalka Soomaaliya, hase ahaatee waxaa si dhab ah aan loo ogayn sababaha rasmiga ah ee ka dambaya in dowladda Kenya ciidamadeeda ay soo dhoobto Xuuuda ay lawadaagaan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dalkayaga@gmail.com




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News