Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, November 13, 2010

Puntland oo ka hadashay Moowqifkeeda ku aadan Dowlada KMG Soomaaliya

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha maamul goboleedka Puntland Cabdi Xasan Jimcaale ayaa sheegay inuu sii xumaanayo xiriirkii kala dhaxeeyay, waxa uuna sheegay in dowladda KMG
ah ay ka meermeereyso hirgelinta qodobadii lagu heshiiyay shir horay uga dhacay magaalada Gaalkacyo kaasi oo dhex maray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda KMG ah Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole.


Qodobada heshiiska Gaalkacyo ee dhex maray madaxda Puntland iyo Dowladda KMG ah waxaa ka mid ahaa arrimaha federaalka iyo sameynta dastuurka Federaalka, wuxuuna Md.

Cabdi Xasan Jimcaale sheegay in dastuurkii qabyada ahaa guddigii soo diyaariyay la diiday, wuxuuna sidoo kale sheegay Wasiirka in shaqsiyaad ka tirsan TFG-da ay dhibeyso nabadda iyo horumarka maamulka Puntland.

 Dhinaca kale waxa uu sheegay Wasiirkaasi ka tirsan Puntland in dhibaatooyinka uga imaanayay dhinaca Dowladda KMG ah ay ahaayeen kuwo soo taxnaa, isla markaana maalinba maalinta ka dambeysa ay sii weynaanayeen, wuxuuna caddeeyay in 15-ka qodob ee heshiiskii Gaalkacyo ay ku yeesheen TFG-da iyo Puntland aanu ka hirgelin dhinaca TFG-da, isla markaana ay jirto gacan bidixeyn iyo arrimo kale oo fara badan

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News