Tuesday, November 30, 2010

Puntland oo dilkii Xeer ilaaliyaha ku eedeeysay dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo ka hadlay dilkii xalay magaalada Boosaaso loogu geystay xeer ilaaliyihii Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa ku eedeeysay in dilka ay ka dambeeyey dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.



Ilaa afar dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay inay maqribnimadii xalay ay dileen xeer ilaaliyihii maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso C/llaahi Saalax Shirwac xilli uu marayay bartamaha magaalada, waxayna dad goob joogayaal ah sheegeen in xeer ilaaliyaha dhowr xabadood looga dhiftay madaxa iyo feeraha, isagoo isla goobtaasina ku ruux baxay.

Kooxihii ka dambeeyay dilka xeer ilaaliyaha ayaa la sheegay inay halkaasi ka carareen, waxaana daqiiqado kaddib goobtaasi soo gaaray ciidamada Booliska magaalada Boosaaso, kuwaasi oo iyagu howlgallo ay halkaasi ka bilaabeen ku guuleysan waayay inay soo qabtaan kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa.

Dilka qorsheysan ee lagu fuliyay xeer ilaaliyihii maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso, ayaa la sheegay inay dadka degaanka ka muujiyeen welwel, waxaana xalay magaalada gudaheeda howlgallo ka sameeyay ciidamada nabadgelyada, taasi oo sababtay inuu hakad ku yimaado isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Masuuliyiinka ka tirsan Puntland ayaa marar kala duwan oo sii horeeysay lagu dilay magaalooyinka Puntland, waxa ayna dililkaasi ku eedeeyeen dadka ku nool koonfurta Sooomaaliya

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News