Tuesday, November 23, 2010

Odayaasha Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo ku guuleystay hakinta dagaallo halkaasi ka dhacay

Suuqii ugu weynaa ee ku yiilay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa dib u furmay, kaddib markii uu u xirmay dagaal beeleedyo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay degaannada ku hareereysan Gaalkacyo una dhow suuqa, hase yeeshee hakinta dagaaladaasi
dhex maray beelaha dega Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa ku guuleystay odayaasha iyo isimada labada beel ee dirirtu dhex martay, kuwaasi oo iyagu u istaagay sidii loo joojin lahaa colaadda halkaasi ka dhacday.


Wafdi ka tirsan odayaasha iyo isimada wada dega magaalada Gaalkacyo ayaa tegay degaanada ay ka dhaceen dagaalada oo lagu kala magacaabo Dameeraale iyo Godad, iyagoo labada tuulo kulamo kula yeeshay beelaha dagaalka u dhaxeeyo iyo waliba xubnaha labada beel ee iyagu hoggaaminaya dagaalladaasi, waxayna ogoleysiiyeen labada dhinac inay xabadda joojiyaan lana kala qaado maleeshiyooyinka, taasi oo ay ogoladeen dhinacyada dagaalamayay.

Ciidamada Booliska maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa la geeyay hareeraha suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla xadka labada maamul, hase yeeshee ciidamada nabadgelyada labada maamul ayaa mid kasta dhinaciisa waxa uu dib u celinayay dadweyne careysan oo labada dhinac ka soo jeeda, kuwaasi oo doonayay inay suuqa ka sameeyaan falal amni darro iyo inay halkaasi ka abuuraan qalalaase.

Dhinaca kale hakinta colaadda beelaha wada degan Gaalkacyo waxaa door muuqda ka ciyaaray maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo iyagu magacaabay guddiyo ka shaqeeya sidii dib loogu soo celin lahaa nabaddii ka jirtay gobolka, waxaana sidoo kale beelaha kale ee degan Gaalkacyo ay soo saareen baaqyo ay ku dalbanayaan in la joojiyo colaadda beelaha gobolka wada degan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News