Thursday, November 25, 2010

Midoowga Yurub oo fariin u soo diray Baarlamaanka Soomaaliya

Midowga reer Yurub ayaa dhaleeceyn xoogan dusha uga tuuray Mudanayaasha Baarlamaanka kuwaasi oo is hor taagan xukuumada cusub ee uu soo dhisay Mr Faramaajo maalintii Isniinta .



Dahleeceentane waxa ay ka soo baxday Magalada Nairobi gaar ahaan safaradaha reer Yuruf ay halkaasi ku leeyihiin oo war qoraal ah ka soo saaray fadhigaiiBaarlamanka ee buuqa ku dhamaaday.

Sidoo kale waxay sheegeen baarlamanka inuu mixnad ku yahay xukuumadaha doonaya inay samata bixiyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo ku jira dagaalo iyo dhibaatooyin kale oo soo jiray muddo 20 sano ka badan.

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya kullan ay isugu yimaadeen 22-kii Bishan waxa uu ku soo idlaaday buuq iyo sawaxan iyagoo isku qabtay qaabka loogu ansixin lahaa Xukuumada oo ah qaab bareer ah iyo qaab qarsoodi ah.

Waa markii labaad ee dhaleeceen xoogan loo jeediyo kadib maalintii Isniinta aheed oo ay Baarlamanku diideen Xukuumada Ra’iisul Wasaare Faramaajo

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News