Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, November 18, 2010

Magaalada wardeer oo si rasmi ah xariga looga jaray Matoorkii cusbaa ee quwada korontada, adeegiisina bilaabay isla manta

Waxa maalintii shalay ahayd taarikhduna ahayd 17-nov-2010 ama 08-03-2003 E.C. xadhiga laga jaray matoork cusub oo Isticmaalka quwada- korontada ah, waxana xafladaas kaso qaybgalay masuuliyiinta
gobolka,masuuliyiinta dagmada,iyo masuuliyiinta ciidama booliska iyo ciidamada qaranka waxa kalo kaso qaybgalay xubno ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida culumaaudiinka,odayaasha dhaqanka,ganacsatada,dhalinyarada iyo haweenka.


 waxaana si habsami leh xafladaas furitaanka xariga uga jaray gudoomiyaha gobolka-warder Mudane Mohamed Farah Falug(Jimcaale)

 Matoorkan Awoodiisa Lagu qiyaasay  320 KW ilaa  Iyo hadana laga isticmaalay 109 KW kaliya, iyadoona markii la tijaabiyay matoorkan Cusub Xawliga Iyo Awoodiisaba Lagu qiyaasay Inuu Matoorkan Hadii Si- Haboon Loo Isticmaalo Uu noqon-doono mid sanooyinka soo socda ka haqab tiri doona baahida koronto ee Ka jirtay Magaalada wardheer maadaama ay magaaladu ay aad u balaaratay sanadihii u danbeeyay. Sidoo kale waxa la kordhiyay saacada adeega ama helida korontada joogtada ah oo noqonaysa 12 saac  halkii hore ay uga ahayd  8 saac iyadoo matoorkii hore oo shaqaynayay mudo dhan 18 sano uu noqday mid cilado ay ku yimaadeen magaladana siin jiray adega habeenba qayb ama xaafad.

Adeeg bixinta matoorka cusubi oo ah jawaab ka mid ah suaalihii  bulshada Ku Dhaqan Magaalada Wardheer Ay u Soo Gudbisay Madax-weynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Dhanka Kalana Waxaa Waxaa Magaalada Wardheer loo sameeyay Hospitaal Wayn oo Bukaanka La Jiifiyo Laguna Daweeyo, Iyadooyna ka Socdaan Magaalada Wardheer Dhismaha Adeega-mobilka.

Dhanka Kalena waxaa xusid mudan in ay ka socdaan magaalada biyo-gelin loo samaynayo xaafadaha magaalada wardheer, iyadooyna garab-socdaan u samaynta magaalada wardheer.

Isku soo wada duuboo shacab-weynaha ku dhaqan magaalada wardheer ayaa aad ugu faraxsan Adeegyada-horumarineed ee isdaba-jooga ah ee laga suurto-galiyay magaalada wardheer,iyagoona muujiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan dawlada deegaanka ee uu hogaamiyo madax-weyne cabdi maxamuud cumar.

Xigasho: Cakaaranews

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News