Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, November 7, 2010

Madaxweyne Faroole oo Cafis u fidyay C/fitaax Mire.

Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa maanta cafis u fidiyay agaasimihii Idaacada Horseed Media ee Magaalada Boosaaso C/fitaax Jaamac Mire oo horay loogu xakumay lix sano oo xarig ah.


Madaxaweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo maanta hadal ka jeedinayay siminaar Magaalada Garoowe uga socday Saxafiyiinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay xukunii 14-kii Augusta ee sanadkaan ay ku rideen Agaasimihii Idaacada Horseed Media ee Magaalada Boosaaso kadib markii lagu qabsaday wareysi Idaacada uu Maamulaha ka ahaa ay ka qaaday Sheekh Max’ed Saciid Ata moo dagaal kula jira Maamulka Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu aqbalay codsi ay u soo gudbiyeen saxafiyiinta ka howlgasha deegaanada Puntland, kaasi oo ku aadanaa in dib xoriyadiisa loo siiyo Agaasimaha Horseed Media C/fitaax Jaamac Mire, waxaana uu sheegay in goordhow la sii deyn doono Agaasimahaasi.

“codsi ayaa idinka yimid oo ku aadanaa C/fitaax Jaamac Mire, waana masuuliyad idin saaran, waana idinka aqbalay, intaasi kadib dhalinyaradiinan saxafiyiinta ahoow wadankaan idinka ayaa nabada u sii horseedi kara” ayuu yiri Madaxweyne Faroole xili uu la hadlayay Saxafiyiinta siminaarku uu uga socday Magaalada Garoowe.

C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole waxaa uu sheegay in looga baahanyahay saxaafada Puntland ka shaqeynta amaanka deegaanada ay dhageystayaasha ku leeyihiin maadaama sida uu tilmaamay ay jiraan dad doonaya waxyeeleynta amaanka Magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Cafiskaani uu fidiyay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa imaanaya xili Maalmo ka hor qaar ka mid ah saxafiyiinta deegaanada Puntland ay ugu baaqeen madaxweyne Faroole in uu cafis u fidiyo agaasimaha Horseed Media oo mudo labo bilood ah ku jira xabsi kuyaala Magaalada Boosaaso.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News