Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, November 16, 2010

Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay TFG

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed, ayaa si kulul ugu gacan seyray Dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Faroole


Madaxweynaha oo munaasabadda Ciidda ka hadlayay waxaa uu si gooniya farta ugu fiiqay laba mas'uul oo ka tirsanaa Xafiiska adaxweynaha oo loo magacaabay Wasiirro.

Wuxuu ku tilmaamay in labadaa jago ay yihiin kuwo laga bililiqeystay Puntland.

Isla khubaddaas ayuu Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed waxaa kale oo uu dib ugu laabtay eedeyn oo hadda ka hor u jeediyay dowladda Somaliland, isaga oo sheegay in hadalkiisa macnihiisu ahaa in ay Somaliland qabqabato ciidanka ay Puntland jebisay oo uu sheegay in firxadkoodii uu u cararay Puntland.

BBC Somali

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News