Thursday, November 4, 2010

Maamullada Puntland iyo Somaliland oo iska kaashanaya la dagaalanka argagaxisada

Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in maamulkiisa u soo gaba gabeeyay dagaalkii ay kula jireen kooxo uu sheegay in ay yihiin argagixiso.


Waxa kaloo madaxwyanaha uu sheegay in firxadka kooxihii Gal-Gala ay ku carareen meelo ka mid ah Somaliland ,isagoo xusay in ay ku raadjogaan intooda badan.

Madaxwayne Faroole ayaa sheegay in kooxahan saanado millatari ay ka helin jireen degmada Ceergaabo,waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu hayo xubno ka tirsan.

Mar madaxwaynaha wax laga waydiiyay xiriirka kala dhaxeeya maamulka Somaliland ayuu sheegay in ay si toos ah u wada hadleen wasiirka gaashaandhiga Somaliland si loo soo afjaro kooxaha maamulkiisa ka soo horjeeda.

"Waxaa maamulka Somaliland ay gacan ka gaysan doonaan soo qabashada inta firxadka ah oo qaarkood Burco u gudbay " ayuu yiri madaxwaynaha oo waraysi siiyay BBC-da.

Hadalka madaxwaynaha ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo maanta degmada Gal-Gala ay gaareen masuuliyiin dowlada ka tirsan oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenka ,waxaana dowladu ay wadaa dadaalo ku aadan dib u dajinta dadkii Gal-Gala ka barakacay.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News