Monday, November 1, 2010

Maamulka Shabaab ee Deegaanka Goof Gaduud oo burbiriyay Masjid ku yaala deegaankaasi

Maamulka ka arimiya deegaanka Goof gaduud ee Gobolka Bay ayaa dhawaan dhulka la simay Masjid qadiimi ah oo ku yaalay deegaankaasi loona yaqiinay Masjidka Jaamaca
ee ku yaala wadada aada Degmada Waajid.
Maamulka Shabaab ee deegaanka ayaa Masjidkaasi ku tilmaamay in uu ahaa mid ay caabudi jireen dadka deegaanka, kuwaasoo dhowr jeer uga digay in ay joojiyaan Dikriga iyo xadrada oo ay ku sheegeen in uu la mid yahay Hees iyo Muusic oo kale.

Sidoo kale Masaajidkaasi la burburiyay ayaa sal dhig u ahaa kooxo ay Shabaabku ku tilmaameen in ay yihiin qabuuro caabudyo, iyagoo sheegay in ay suulinayaan Munkarka sidaasina ay ku burburiyeen Masaajidka Jaamaca oo ka duwan Saddex Masjid ee mindhaaradaha gaagaaban oo ku yaala deegaanka Goof gaduud.

Kooxaha Shabaabka ayaa soo saaray amar ah in la burburiyo masaajida ay ku agyaala Qabuuraha ay ku aasanyihiin Mashaa'ikhda caanka ah ee soo faafiyay diinta Islaamka, iyadoo kooxahaasina ay ku tilmaamaan dadka soo siyaarta kuwo sameeyay wax ka baxasan Shareecada Islaamka ama Shirki.

Talaabadan ayaa qeyb ka noqoneysa buruburin iyo faagid ay horay ugula kaceen Qabuuro ay ku aasnaayeen Culimo waaweyn oo caan ka ahaa dalka iyo dibada xiligana ay u soo jeesteen Shabaabka burburinta Masaajida Minaaradaha dhaadheer ee aan iyaga caqiida ahaan ku dhisneyn aragtidooda xag-jirnimo.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News