Thursday, November 11, 2010

Maamulka magaalada Boosaaso oo shaqada ka joojiyey xafiisyada talefashinno Somali ah iyo wakiiladooda oo beeniyey eedeymo ka dhan ah

Puntland waxaa shaqada laga joojiyey xafiisyada Television-nada Universal TV iyo Horn Cable TV oo labaduba ku hadlo Afka Soomaaliga.


Shaqo joojinta waxaa lagu sheegay war saxaafadeed galabta ka soo baxay xafiiska duqa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasoo lagu farayey cid kasta oo wakiil uga ah Puntland labadaas laamood ee warbaahineed in ay shaqada ay heyso faraha kala baxdo marka ugu horeyso ee wareegtada ay soo gaarto.

Maxamuud Axmed Beeldeeja, duqa Boosaaso oo warkan ku saxiixnaa ayaa ku eedeeyey Universal iyo HCTV in ay faafiyeen warar been abuur ah oo wax u dhimi karo maamulka Puntland iyo shacabkiisa.
''Waan ka fiirsan doonaa in aan fasaxno iyo inkale, laakiin tanu waa hakad'', ayuu yiri Beeldeeja
Eedeymaha ka dhan ah Talefashinada waxaa beeniyey wakiiladooda Puntland oo sheegay in ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.

Universal TV waxaa saldhiguu yahay magaalada London ee xarunta dalka Britain, waxaana leh shakhsi ka soo jeeda koonfurta Somalia, halka TV-ka Horn Cable laga leeyahay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Dalkayaga@gmail.com

Bookmark and Share

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News