Sunday, November 14, 2010

Lamaanihii Ingiriiska oo ka duulay Degmada Cadaado.

Waxaa maanta barqadii Degmada Cadaado ka soo kicitimay Lamaanihii u dhashay wadanka Ingiriiska iyadoo dhinaca kalana Maamulka Ximan iyo xeeb uu faah faahin ka bixiyay qaabkki dadkaasi loo si daayay.


Kadib markii saakay lagu guuleystay in laga sii daayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida lamaanihii u dhashay wadanka Ingiriiska, ayaa barqanimadii maanta lamaanahaasi waxaa ay diyaarad yar ka soo qaaday garoon kuyaala degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Aadan Tiicey oo daqiiqado kadib la hadlayay saxaafadda xiligii lamaanahaasi ay kasoo duulen degmada Cadaado ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad yar lagu soo doonay Paul and Rachel Chandlers isagoo sheegay inay u soo kicitimeen Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in saakay lamaanahaasi ay ka soo kaxeeyeen meel 120 km u jirta degmada Cadaado halkaasi oo ay keeneen kooxaha burcad badeeda ee mudada gacanta ku hayay, isagoo carabka ku dhiftay in sii deynta lamaanahaasi ay gacan weyn ka geysteen jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingiriiska iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Lamaanahaani ayaa la filayaa in marka ay yimaadaan Magaalada Muqdisho ay u sii kici timaan Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya, halkaasi oo la filayo in saaxaafada ay kula hadlaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News