Monday, November 22, 2010

kulanka Baarlmaanka oo ku so gabagaboobay qeylo iyo gacan qaad.

Kulan baarlamaanka soomaaliya ay lahaayeen ayaa goor dhow lagu kala tagay, kadib buuq fara badan iyo sawaxan hareeyay kulanka oo ajandahiisa maanta uu ahaa ansixinta Xukuumada uu soo dhisay R/wasaare Farmaajo.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen 348-xildhibaan ayaa waxaa markii uu shirka uu furay Afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan shiikh aadan waxaa uu sheegay in la soo gudbiyay labo mooshin oo iska soo horjeeda.
Shariifka ayaa sheegay in labada mooshin ay kala yihiin in codka kalsoonida laga dhigo qarsoodi iyo in laga dhigo mid gacan taag ah, taasoo uu qaatay go’aanka xildhibaanada ee qabay in qarsoodi laga dhigay.
Kulanka ayaa kadib isu badalay buuq iyo sawaxan, iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ay goobta isku gacan qaadeen ama ay isku feereen, waxaana shirka ka baxay afhayeenka baarlamaanka oo tagay mid ka mid ah xafiisyada golaha shacabka.
Xildhibaanada oo ku heshiin waayay qaabka kalsooni siinta xukuumada ayaa kadib waxay goobta ka sii wadeen buuq, iyadoo mar kale fadhiga uu ku soo laabtay Shariif Xasan oo ka dalbaday xildhibaanada in buuqa ay joojiyaan, isagoo dalbaday in la keeno sanaadiiqda cod bixinta, hase ahaatee ay xildhibaanada qaar ay is hor taageen.
Afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan ayaa mar kale si cad ah u sheegay in kulanka uu soo xiray, isagoo goobta ka tagay isagoo careysan, xildhibaanadana ay fadhiyaan, waxaana jawiga guud ee baarlamaanka ahaa mid fowdo iyo buuq wehlinayay.
Ilaa iyo hada gudoonka baarlamaanka ma uusan iclaamin goorta laga dhigi doono kalsooni siinta xukuumada oo hada ay fowdo iyo buuq ay hareeyeen, waxaana xukuumadan ay tahay tii u horeysay ee buuq kala kulanta xildhibaanada ansixinteeda

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News