Wednesday, November 17, 2010

Howgalo Balaaran oo ka socda magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Booliska ee Nabadgelyada & Dhaqancelinta Gobolka Mudug ayaa Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka wadeen Howlgalo balaaran oo ay
kusuguyaan Amniga Magaalada Gaalkacyo islamarkaasna waxaa ay Howlgaladoodu ahaayeen kuwo si xalwi ah ku socda.


Ciidanka Boolisku waxaa ay si gaar ah Howlgaladooda ugu beegsanayaan gawaarida iyadoo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo lagu arkayey Ciidamo baaraya Gawaarida kuwaas oo Goobo lagu baarayo gawaarida ka samaytay Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Taliyaha Cusub ee Qeybta Booliska & dhaqancelinta ee Gobolka Mudug G/lle sare,Aadan Nuur Qaal ayaa Warbaahinta u sheegey in Ciidamada Amnigu ay Howlgaladii u danbeeyey kusoo qabqabteen in kabadan 100-gaari kuwaas oo intoodabadani ay lahaayeen Bacaha Madow ee Muraayadaha Gawaarida lagu dhajiyo kuwaas oo aanan la’arkin cida gaariga kujirta taas oo uu sheegey inay fududeyn karto inay dhacaan Dhibaatooyin Amni.

Sidoo kale Taliyaha Cusub ee Qeybta Booliska Gobolka Mudug wuxuu sheegey in Ciidamada Amnigu ay sii labajibaarayaan Amniga gobolka Mudug,waxaana uu sheegey in ay Howlgaladan uga gol leeyihiin sii xaqiijinta Amniga isagoo shacabka Magaalada Gaalkacyo ka codsaday inay Ciidamada Amniga la shaqeeyaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News