Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, November 11, 2010

Heshiis Beleed lagu soo gabagabeyey Cabuud-Waaq

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dagaal dhex maray ayaa lagu soo gaba gabeeyay degmada Caabud Waaq ee gobalka Galgaduud.



Labada beel ayaa dhawaan waxaa ay ku dagaalameen degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq, waxaana la soo gaba gabeeyay colaadii ka dhalatay dagaalkaasi.

Nabaddoon Yuusuf oo ka mid ah xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa wuxuu sheegay in si wanaagsan la isugu afgartay arrimihii kulanka lagu soo qaaday.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaal, Waxgarad iyo xubno matalaya beelaha dagaalku dhex maray.
Dhameynta colaad beeleedkaasi ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

Dalkayaga@gmail.com


Bookmark and Share

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News