Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, November 18, 2010

Garoowe:”Dagaalka Kalshaale Waa Qorshe Buuhoodle lagu qabsanayo”Wasiirka Kaluumaysiga Puntland.

Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Canbaareysay Dagaalkii labadii Cisho ee lasoo dhaafay ka dhaceyey Deegaanka Kalshaale oo ay Beelo kasoo kala jeeda Degmooyinka Buuhoodle & Burco ku dagaalameen,waxaana ay Dawlada Puntland sheegtay in dagaalkaas ay jiraan Qorshayaal siyaasadeed oo dagaalka ku hoosjirta.

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Dawlada Puntland Eng,Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegey in Dawlada Puntland ay ka xuntahay Dagaalka kasoo cusboonaaday Kabshaale,waxaana uu Wasiirku sheegey in Dagaalkan ay Somaliland ka qaadatay qeyb lixaadleh islamarkaasna ay kasoo horjeedo Wada degenaanshaha labada shacab.

Wasiirku Wuxuu sheegey in ay Dawlada Puntland tuhunsantahay kana walwal qabto in Dagaalku uu lugta la galo Arimo Siyaasadeed,waxaana uu sheegey in Ciidamo katirsan Somaliland ay tageen goobaha Dagaalka ayna doonayaan in ay Buuhoodle kula wareegaan Qorshe lamid ah midkii ay Sadex sano ka hor ku qabsadeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

“Runtii waanu ka xunahay Dagaalkan,Waxaanu aaminsanahay in ay Somaliland dagaalka lugta lasoo gashay,Dawlada Puntland waxay ka walwalqabtaa in Dagaalka Kalshaale uu yahay mid Siyaasadeed oo buuhoodle lagu qabsanayo,taasna il gaar ah ayaanu ku han doonaa”Ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Puntland oo APL la hadlayey.


Source: Allpuntland

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News