Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, November 29, 2010

Gaalkacyo:Odayaasha Galmudug & Puntland oo ku baaqay Xabad joojin Deg Deg Ah

Iyadoo Saaka Deegaanka Bali-Busle oo katirsan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ay ka dheceen Dagaalo Culus oo Khasaaro badan dhaliyey islamarkaasna ay imika jiraan hub isku Uruursi & diyaar garow Dagaal oo Culus oo ay Wadaan Malayshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda Waqooyiga & Koonfurta Gaalkacyo.

Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo Axmed Muuse Nuur-yare oo kamid ah Saraakiil katirsan Maamulka gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa Dagaaladan ayaa sheegey in loo baahanyahay in si deg deg ah loo joojiyo Xungurufta u dhaxaysa labada Beelood,waxaana uu intaas kudaray in Dagaalka imika bilowday uu yahay mid laga noxo.

Axmed Muuse Nuur wuxuu sheegey in ay jireen Wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay si aanan kafool kafool ahayn lagu wada qaatay,Waxaana uu intaas kudaray in ay Imika Xiriiro la leeyihiin Odayaasha & Waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo kuwaas oo uu sheegey in ay rajeynayaan in mardhow la hirgaliyo Xabad joojin deg deg ah oo shaqaysa si buu yiri marka xigtana loo kala qaado Ciidamo beeleedyada oo imika kala jooga meelo aanan sidaas u kala fogayn.

Dhinaca kale Imaan Xassan Jiirow oo kamid ah Waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayaa isna dhankiisa Warbaahinta mariyey Codsi uu ku codsanayo in si deg deg ah loo joojiyo Dagaaladan oo uu sheegey inay dabada ka riixayaan Dad wax magarato ah,waxaana uu ku baaqay in Gogosha Nabada la isugu soo noqdo si xaalada Caadigeedii loogu soo celiyo.

Hadalka Odayaasha & Maamulada labada dhinac ee Gaalkacyo Wuxuu imaanaya xili Magaalada Gaalkacyo laga dareemayo Dhaqdhaqaaqyo kaladuwan,waxaana Caawa Isbitaalada Waqooyiga & Koonfurta Gaalkacyo la geeyey ku dhawaad 9-Ruux oo kamid ah Dhaawacyadii maanta wax ku noqday Dagaalkii ka dhacay Duleedka Bali-Busle.

Source: APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News