Monday, November 1, 2010

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay khatar kaga imaaneyso Somalia iyo Yemen

Mareykanka ayaa sheegey inay jirto khatar cad oo kaga soo food leh dalka Yemen iyo wadamo geeska Africa
ku yaala, iyadoo Dowladda Maraykanka dalalka uu sida aadka ah u tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya iyo Yemen.

War saxaafadee aqalka cad ee Mareykanka laga soo saaray oo uu qarey wargeyska The Guardian ayaa waxaa lagu sheegay inay jirto qatar Mareykanka uga soo socota wadanka Yemen iyo wadamo kale oo ku yaala gobolka geeska Africa oo ay Somalia ka mid tahay kadib markii la qabtay xirmooyin ay ku jiraan waxyaabo qarxa oo dalka Yemen laga qaaday loona waday dalka Mareykanka.

Warku waxaa lagu sheegay in ururka Al-Qacida qeybta Jaziiradda Carabta u qabilsan ee (AQAP) loo yaqaan ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan danaha Mareykanka uu caalamka ku leeyahay waxaa uu sheegay inuu jiro xiriiro ka dhaxeeya AQAB iyo Xarakadda Al-Shabab oo Somalia ka dagaalanta.

Warku waxaa uu soo jeedinaya in indho gaar ah loo yeesho waxyaabaha ka tagaya Yemen iyo Somalia taasoo lagu sheegay inay qatarteeda leeyihiin.

Arrintaan ayaa waxay imaaneysaa xilli dhawaan la qabtay xirmooyin looga shakiyay inay ki jiraan waxyaabo qarxa oo Mareykanka loo waday iyadoona laga qaaday dalka Yemen.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News